Xildhibaanka degaanka Lugari iyo eedeysanayaal kale oo maxkamada la soo taagayo

Waxaa maanta la filaya in maxkamada ay ka soo hormuuqdaan mudanaha laga soo doortay degaan baarlamaneedka Lugari , Ayub Savula, xoghayihii hore ee wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo teknolojiyadda ,Sammy Itemere iyo agaasimihii hore ee waaxda dowlada u qaabilsan xayeysiimaha ee GAA ,Dennis Chebitwey.
Mas’uuliyiintan ayaa ka mid ah 23 qof iyo 5 shirkadood oo lala xariiriyay 122 milyan oo la lunsaday.
Dhaqaalahan ayaa la doonayay in lagu wareejiyo warbahinada sameeya xayeysiimaha dowlada hasa ahaate ilaa iyo hadda ma cadda qaabkii loo isticmaalay.
Dhanka kale ciidamada booliska ee dalka ayaa weli ku raad joogo 20 eedeysanayaal kale.
Howlgalada ay ku dhaqaqeen booliska ayaa yimid kadib amar ka soo baxay xafiiska agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji.
Mr. Xaaji ayaa sido kale amray in dacwad lagu soo oogay mudanaha laga soo doortay degaan baarlamaneedka Lugari, Ayub Savula iyo xoghayihii hore ee wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta Sammy Itemere .
Mr Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay in dacwad lagu soo oogi doono shaqsiyaadka lunsaday lacagtaasi iyo shirkadaha kale ee ku lugta leh.
Waxaa uu Nuurdiin intaasi ku daray inay hayaan cadeeymo wax ku ool ah oo mujinayaa lunsashada dhaqaalahaasi.
Sido kale baaritaano ay sameeyeen waaxda DCI-da ayaa lagu ogaaday in lacagtaasi loo dhiibay xildhibaanka laga soo doortay Lugari Ayub Savula, Melody Gatwiri Ringera iyo Hellen Jepkorir Kemboi.
Shirkadaha fadeexaddan lala xariiriyay waxaa ka mid ah Shirkadda Sunday Publishers Ltd, shirkada Melsav iyo kuwo kale.
Eedeysanayaashan ay boolisku raadinayaan ayaa loo qabtay muddo ku filan oo ay isugu soo dhiib karaan sarakiisha dembi baarista hasa ahaate sidaasi meynan sameynin.
Sido kale waxaa xabsiga la dhigay madaxii hore ee waaxda GAA ,Dennis Chebitwey oo isna la tuhunsanyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *