Xoghayaha kalkaaliyaasha dalka oo la xiray

Waxaa saaka xabsiga loo taxaabay xoghayaha guud ee ururka ay ku mideeysanyihiin kalkaaliyaasha wadanka ee KNUN , Mr. Seth Panyako kadib markii lagu eedeyay inuu isku dayay inuu kiciyo sarakiisha ka howlgalo isbitaalka qaran ee Kenyatta si ay shaqa joojin ugu dhaqaqaan.
Ilaalada isbitaalka ayaa tallaabadaasi ku wargeliyay booliska oo ugu dambeyn Mr. Panyako gacanta ku dhigay.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in sido kale la xiray kalkaaliyaal dibadbax sameeyay.
Sarkaalka ugu sameeyay ee dhanka sugidda ammaanka isbitaalka, Manase Mukhwana ayaa hoosta ka xariiqay in xoghayuhu uusan raacin nidaamka habboon.
Kalkaaliyasha ayaa dhankooda ka cabanaya in maamulka KNH uunan fursad u siinin inay xubno ka noqdaan KNUN sido kalena aanan la xalin dhibaato lagula kacay mid ka mid ah howlwadeenada caafimaadka ee xaruntaasi in kastoo maamulka isbitaalka uusan eedeymahaasi weli ka jawaabin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *