9 qof oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Tunisia

Ugu yaraan 9 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay bartamaha caasimadda wadanka Tunisia ee Tunis.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in falkaasi ay geysatay haweeney 30 sano jir ah.
Weerarkaasi ayaa galinkii dambe ee shalay ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeyn xarunta ganacsiga ee Le Palmarium oo ku taallo wadada aadka u mashquulka badan ee Habib Bourguiba.
Khasaaraha ka dhashay dhacdadaasi ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Tunisia ,Sofiene Zaag.
Dhaawaca ayaa isugu jira 8 sarkaal oo boolis ah iyo qof shacab ah.
Idacaadda maxaliga ah ee dalkaasi ,Radio Mosaique ayaa ku warameysa in weerarkaasi loo adeegsaday bam gacmeedka garabka laga tuuro .
Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ay ku wada xariirto ayaa muujinaya meydka haweeney la rumeysanyahay inay fulisay qaraxaasi oo ilaa iyo hadda aynan jirin cid mas’uuliyadiisa sheegatay.
Tunisia ayaa waxaa tan iyo bishii Novembar ee sannadkii 2015-kii ka jirtay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay kadib weerar ismiidaamin ah oo ISIS ay ku dishay 12 ka mid ahaa ilaalada madaxtooyada wadankaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *