DHAGEYSO Xildibaano sheekay in shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya la handado.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay dhibaatooyin la kulmaan Shaqaalaha baarlamaanka marka ay yimaadaan Mooshino ka dhan ah Guddoonka Golaha Shacabiga.
Waxa uu dalbaday Xildhibaan Jeesoow in isbedel lagu sameeyo qodobo ka mid ah Xeer hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya lana go’aamiyo in Masuulka Mooshin laga keeno uusan fariisan Karin Xafiiska wixii shaqa ahna uu sii wadayo kuxigeenkiisa halka markii hore uu sheegay inuu bixin jiray awaamiirta shaqada taasoo sameyna ku yeelan karta shaqaalaha ka shaqeeya xafiiskaas.
Ugu dambeyntii Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa shaaciyay in shaqaale badan la handaday sida uu hadalkiisa u dhigay xiliyadi lagu guda jiray Mooshino badan oo laga keenay Gudoonka Golaha Shacabka taasina ay sababtay in xubno badan oo shaqaalaha baarlamaanka ka mid ah ay dalbadaan fasaxyo dibada ah kadib culays la saaray.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *