Gabadhii u doonanayd Khashoggii oo cadaalad dalbatay

Maalmo kadib markii la dilay wariye Jamal Khashoggi ayaa waxaa hadda in cadaalad la sameeyo oo baaritaanada socdo laga sal gaaro dalbanaysa gabadhii ay qorsheynayeen inay iscalmadaan ,Hatice Cengiz.
Xili ay hadashay iyadoo ku sugan magaalada London ee ingiriiska ayay sheegtay inay rumeysantahay in boqortooyada Sacuudi Carabiya ay meel ku sheegi karto meydka Jamal taasina ay uga fadhido.
Jamal Khashoggi ayaa la waayay 2-dii bishan xiligaasi oo uu gudaha u galay qunsuliyadda Sacuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee Turkiga.
Waxaa uu doonayay inuu soo dhameystiro dokumeentiyo ku saabsan guurka hasa ahaate kumuunan guuleysan.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Jamal lagu dilay dagaal ka dhacay gudaha qunsuliyadda Istanbul in kastoo aanan meel lagu ogeyn meydkiisa.
Hattice Cengiz ayaa beesha caalamka ka codsatay inay xaqiijiso in xukuumada Riyaadh lagu cadaadiyo sidii ay daaha uga rogi lahayd dilka suxufigan oo faallooyin ku qori jiray wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa Maraykanka.
In kastoo uu ahaa muwaadin u dhashay Sacuudi Carabiya hadana waxaa Jamal Khashoggi lagu xasuustaa inuu si weyn u dhaliili jiray hoggaanka boqortooyada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *