Guardiola oo ka xun in shaqada laga ceyriyo tababaraha kooxda Real Madrid Julen Lopetegui

Maamulaha kooxda City Pep Guardiola ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Real Madrid ay shaqada ka ceyrisa tababare Julen Lopetegui.
Maamulka Real ayaa si rasmi ah waxay u xaqiijiyeen in shaqada ka ceyriyeen Ceyriyeen tababare Julen Lopetegui, waxaana shaqadaasi si ku meel gaar ah logu dhiibay Santiago Solari.
Guardiola ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Metro ku sheegay in iyaga xitaa hadii sidaasi ay sameyaan shaqada laga ceyrin lahaay.
“Waan ogahay kubada cagta, anaguna wali waxaan joognaa halkeena, sababtoo ah waxaan gaarnaa guulo, hadii aanan sidaas sameynin, waa hubaal in nala eryayo”.
“Waan ka xumahay waxa ku dhacay Julen Lopetegui, sababtoo ah waa saaxiibkey, waa shaqsi weyn, waxaan si wada jir ah kaga soo ciyaarnay kooxda Barcelona, waxaan la leeyahay xiriir fiican, waana la xiriiri doonaa maalmaha soo socda”.
“Tani waa kubada cagta, ma jirto cid ka baxsan karta xaaldahan oo kale, marka natiijooyinka ay xun yihiin, way adag tahay inaad sii wadato shaqada kooxaha waaweyn sid Barcelona iyo Real Madrid”.
“Inaad gaarto guulo xiriir ah, ama aadan sidaas sameynin, laakiin waxaa hubaal ah in kubadda cagta aad heleyso fursad kale”.
Pep Guardiola ayaa tababaraha shaqada laga ceyriyay u rajeeyay inuu fursad kale oo shaqa ah uu helo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *