Madaxweynaha oo ka hadlay deymaha Kenya ay ka qaadato shiinaha

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya aysan ahayn wadanka keliya ee deymo ka qaato ama uu amaahiyo shiinaha.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xariiqay in maamulka uu hoggaamiyo uu isku dheeli tiro amaahda shisheeye .
Wadamada Kenya lacagaha siiyo waxaa ka mid ah Japan, Faransiiska maraykanka iyo kuwo kale.
Madaxweynaha ayaa arrimahan ka hadlay xili uu u waramay telefishinka CNN wuxuuna sido kale xusay in deeqo laga helo bangiga adduunka iyo midka horumarinta Afrika.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaa horay dowlada ugu dhaliilay inay qaadato lacago amaah oo badan kuwaaso lagu maalgeliyo mashariicda horumarineed hasa ahaate caqabad ku noqon karo geedisocodka iyo kobaca dhaqaale ee wadanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *