Maraykanka oo in ka badan 5000 oo ciidamo ah geynaya xuduudda Mexico

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay xadka ay la wadaagto wadanka dariska la ah ee Mexico u daabuli doonto ciidamo ay tiradoodu kor u dhaafeyso 5,200.
Taliye sare oo ka tirsan militariga Maraykanka ,Terrence O’Shaughnessy ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay xoojinta amniga ee dhanka Mexico .
Waxaa uu sarkaalkan hoosta ka xariiqay in si joogta ah loo kordhin doono tirada sarakiisha xadkaasi la geynaya.
Ciidamo dhan 2,100 ayaa halkaasi la geeyay bishii afaraad kadib amar ka soo baxay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Muhaajiriintan ka soo hayaamay dalalka ku yaal bartamaha Amerika ayaa qiyaastii 1,600km u jira soodinta uu Maraykanka la leeyahay Mexico.
Ma aha markii ugu horreysay ee uu madaxweyne Maraykan ah ciidamo badan ku daabulo xadka uu dalkiisa la leeyahay Mexico maadama madaxweynihii hore Barrack Obama uu geeyay ku dhawaad 1,200 oo saraakiil ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *