Mayarkii hore ee Nairobi oo geeriyooday

Mayarkii hore ee magaalada Nairobi ,John Gakuo ayaa lagu soo waramayaa inuu ku geeriyooday isbitaalka Nairobi ee ku yaallo caasimadda dalka.
Geerida mas’uulkan hore ayaa waxaa xaqiijiyay qareenkiisa Asa Nyakundi .
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo berri oo arbaca ah lagu wada in maxkamada ay dhageysato codsi uu soo gudbiyay Gakuo oo lagu eedeyay lunsasho lacageed.
Garsoore John Onyiego ayaa horay u diiday inuu damiin lacageed ku daayo.
John Gakuo oo 68 sano jir ahaa ayaa codsaday in damiin lagu siidaayo iyadoo la tixgelinayo da’diisa iyo caafimaadkiisa oo aanan wanaagsanayn in kastoo uu hadda geeriyooday..
Mayarkii hore ee Nairobi iyo Sammy Kirui oo horay u soo noqday xoghayaha dowladihii hoose ayaa lagu eedeyay inay awoodooda ku takriifaleen sido kalena dhul qubuuro loogu talagalay ku iibiyeen 283 milyan oo shilin.
Gakuo ayaa inta uusan dhiman ka hor wuxuu ku jiray xabsi maadaama lagu xukumay 3 sano iyo ganaax lacageed oo dhan hal milyan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *