Aqalka sare ee Soomaaliya oo maanta meel mariyay sharci horyaalay mudo sanad ka badan.

Xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka khayraadka biyaha oo mudo dheer horyaalay kadib markii ay kal hore ay meel mariyeen xubnaha golaha shacabiga ee baarlamaanka Soomaaliya.
Dhamaan xubnihii golaha soo xaadiray oo gaarayay ilaa 29 ayaa sharciga ogoladay kadib amrkii codka loo qaaday sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaah.

Gudoomiyaha gudiga arimaha bulshada iyo khayraadka ee aqalka sare Senetor Ilyaas Cali Xassan ayaa sheegay in meelmarinta hindise sharciyeedka khayraadka biyaha ay waxbadan bulshada Soomaaliyeed u tarayso maadaama ay saameeyeen biyo yari iyo fatahaado ku dhifta deegaano badan oo dalka ka mid ah.

Cisman Libaax Ibraahim wasiir ku xigeenka wasaarada Tamarta iyo khayraadka biyaha dowlada Soomaaliya ayaa dhankisia xusay in wixii had aka danbeeyo dabagal lagu samaynayo biyaha dalka Soomaaliya iyo dhamaan wixii ceelbiyood ah oo la qodayo maadaama sharcigaan uu hada meelmaray.

Hindise sharciyeedka Khayraadka biyaha Soomaaliya ayaa waxaa horay u soo meelmariyay baarlamaanka hoose maantana wuxuu ka gudbay aqalka sare wixii had aka danbeeyanaya waxaa laga sugayaa in madaxweynuhu saxiixo kadibna lagu daabaco faafinta rasmiga ah ee dowlada si ku dhaqankiisa loo guda galo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *