Dowlada Qatar oo 50 milyan ugu deeqday Kenya

Dowlada Kenya ayaa heshay 800 oo milyan oo ay bartilmaameedsanaysay si ay ugu maareeyso shirka dhaqaalaha looga hadlayo ee lagu qabanayo magaaladatani Nairobi kadib markii Qatar ay ugu deeqday 50 milyan oo shilin.
Kulankan loogu magacdaray Blue Economy ayaa xoogga lagu saaraya sida wadamada kala duwan ay uga faaiideysan karaan kheyraadka biyaha sida badaha iyo webiyada.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ,Macharia Kamau ayaa sheegay inay weli rajeynayaan inay helaan 200 oo milyan oo dheeraad ah.
Mr. Kamau ayaa intaasi ku daray inuu qorshuhu yahay in Kenya ay aruuriso hal biilyan oo shilin ka hor taarikhda la asteeyay.
25-ka ilaa iyo 26-ka bisha Novembar ee sannadkan ayaa lagu wadaa in caasimadda dalka ee Nairobi uu ka qabsoomo shirka dhaqaalaha ee ay ka soo qeyb galayaan wadamo badan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *