FEDERAALKU IMISA AYUU MUSHKILADDEENNA KA YAHAY

Hordhac
Soomaali hadaan nahay waxaa caado inoo noqotay in mushkilad kasta ee siyaasadeed iyo culays walba ee soo wajaha dowladnimadeenna si aan ka fiirsasho lahayn dusha looga saaro hannaanka ay dowladeennu u samaysan tahay markaasi, shakhsiga hoggaanka Dowladda haya, qabyaalad, 4.5 iyo waxyaabo lamid ah.
Laga soo bilaabo 1960 markaan xorriyadda qaadanay waxa geeddisocodka dowladnimadeennu soo martay 4 xaaladood oo kala ah: midow dimuqraadi ah, midow millatari ah, xilli Fowdo baahsan( oo meelo kamid ah dalkeenna looga dhawaaqay xukunka shareecada Islaamka) iyo federaalka taagta daran ee haaatan dowladeennu ku dhisan tahay. Xilli kasta waxa aan dusha ka saaraynay dhibaatada hannaanka dowladnimo ee markaasi jiray. Waayadan dambe waxaa batay eedda in dusha laga saaro Katabaanna laga dhigto federaalka, mas’uuliyadda fashalkana aan isaga u saarinno, haddii federaalka maanta la bedelo oo aan qaadanno hannaan kale waxaa la hubaa in hannaankaasi noqonayo eedaysanaha cusub.
Dhanka kale waxaa mudan inaan hoosta ka xarriiqnno in hab-dhismeedyada kala duwan ee aan soo marnay ee na anfici waayay ay anfaceen (Ilaahay amarkiis) ummado kale oo nala mid ah, dabaqayna dhammaan qaab-dhismeeyada aan ku hungownay innaga, oo aan marin, ugu yaraan, dariiqa aan innagu marnay, kuna tagin albaabka xiran ee aan innagu ku tagnay.
Hadaba maaddaama aan mar walba ku hungowno hannaan kasta oo aan u dhisanno dowladdeenna, sooma haboono inaan si dhab ah u raadinno halka mushkiladdu ka jirto iyo halka sarta ka quruntay?
Federaalka Bari ayuu ka Yahay Dhibkeenna.
In kastoo qormadan aanan ugu talagalin inaan kaga hadlo wax-tarka federaalka iyo wax-tar la’aantiisa, ee uu kala mid yahay nidaamyada kale ee dowladaha aduunka u samaysanyihii, sidoo kale qaadashada federaalka ahaa mid aan si dhab ah looga baraan-dagin, haddii loo talo badin lahaana suurtogal ahaan laheyd in la helo hannaan uga haboon inaan u dhisno dowladdeenna, inkastoo arrimahaasi oo dhan jiraan, haddana waxaa la dhihi karaa in dhibaatada naga haysato dowlad dhisidda federaalku sabab u aheyn, barina ka yahay, dhibka na haystana ka yahay wax yar, labo sababood owgood:
Midda kowaad, waxa weeye in dhibkeennu ka horreyay federaalka, isaguna mas’uul ka aheyn dumininta dalkeenna iyo dowladdeenna. Midda labaad, marka la eego dowladaha aduunka ee ku dhisan hannaankan federaalka, ee ay ugu horreeyaan Maraykanka iyo Kanada, wuu anfacay, oo waa kuwa ugu wanaagsan dhanka dhaqaalaha, siyaasadda iyo maamulka intaba, marka dawada federaalka dadka kalaba way anfacday ee innagu maxay noo anfici wayday?
Marka laga soo tago labadan qodob, waxaa jiro jawaab diyaarsan oo inta badan dadka Soomaalida ee mucaaradsan federaalka ay ku celceliyaan, taasoo ah “in federaalka loogu talagalay in lagu dhaqo dowladaha waaweyn ee ka kooban qowmiyado kala duwan, saas darteedna annaguna uusan na anfacaynin maadaama aan nahay dad yar oo hal qowmiyad ah”. inkastoo wali aan iska ilaalinayo inaan doodda federaalka dhex galo, haddana waxaan leeyahay: oraahdaasi sax ma aha, kumana qotonto sal adag, sababtoo ah dowladaha federaalka waxaa kamid ah kuwo hal qowmiyad degentahay sida Jarmalka, iyo sidoo kale dowlado yar yar sida Biljim. Xitaa hadii aynu kasoo qaadno inay sax tahay oraahdan, hadday dhab naga tahay inaan dowlad dhisanno oo aan ku heshiinno hannaanka federaalka, soo gar ama daw ma aha hannaankii heshiisiiyay dadyow kala duwan ee qanciyay (oo ah arin adag) inuu heshiisiiyo dad yar oo hal qowmiyad ah sida innaga oo kale ( oo ah arin sahlan)?
Salaaddu Xaggay iska Qaban La’dahay.
Markaan u dhabagalay dhibka naga haysto howsha dowlad dhiska ma aha hannaanka aan u dhisnay dowladdeenna laga soo billaabo dowladdii rayidka ahayd, millatarigii, qabqablayaashii, maxkamadihii Islaamiga, illaa Dowladda federaalka. Dhibkeennu waxa weeye in aan nahay dad aan wali ku qancin si dhib ah inay u shirkoobaan ama wax wada yeeshaan, inaan wada yeelanno dalkeenna kana wada faa’iideysanno kheyraadkiisa.
Adduunka cid kasta oo shirka ah diyaarna u ah inay ilaashadaan shirkadooda, si caddaalad ahna u wadaagaan manfacada shirkaddooda marnaba culays kuma noqdo qaabka ay wax u qaybsadaan, waxaana u sahlan in ay ka heshiiyaan hannaanka ay wax ku qaybsanayaan xittaa arrintu hadday doonto ha gaarto in wax lagu qaybsado qaabka ugu hooseeyo ama ugu sahlan ee “QORI TUUR”.
Hannaankee na Anfici Karo?
Waxaan aaminsanahay in mar haddii dowladdeenu ku dhisantahay TALO-WADAAG na anfici karo hannaan kasto iyo qaab-dhismeed walbo oo ay ku dhisanyihiin dowladaha casriga ah ee adduunka ka jira, waa haddii marka hore nalaga helo labo arrimood:
1- In marka hore ay dhab naga tahay shuraakada iyo wadaagga dalka iyo Dowladda, diyaarnna u nahay inaan noqonno muwaadiniin u siman xuquuqda iyo waajibaadka, waana arrinta ugu muhiimsan.
2- Inaan ka tashanno, kana heshiinno hannaanka iyo muuqaalka dowladdeennu yeelanayso.
Qof kastow, dadka kale ha noo dambeeyeeno ee adiga marka hore shirko diyaar ma u tahay?

Dr. Momamed Ibrahim Abdi (M. Deeq)
Bare ka tirsan Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Muqdisho
Email: drdeeq100@gmail.com

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *