Wafdi ka socda QM iyo Midowga Africa oo Baydhabo Gaaray.

Waxaa maanta magaalaada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay gaaray Wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey waxaana hogaaminayya ergayga cusub ee Jimciyada Qaruumaha ka dhexaysa u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya.
Wakiilka qaramada Midowbay ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Francisco Madeira oo isna ah wakiilka Midowga Africa, ayaa Magaalada Baydhaba kulan kula qaatay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda ah Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga ee maamul goboleedyadda, ayaa kulanka uu manata la qaadanayo masuuliyiintaan waxaa diiradda lagu saaraya khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo maamul Goboleedyada.
Qodobada kale ee ay wadahadladooda diirada ku saareen ayaa waxaa ka mid ah doorashada Madaxtinimada Konnfur Galbeed oo lagu wado inay dhacdo bisha soo socota ee November.
Masuuliyiintaan ayaa maalmo ka hor waxay gaareen magaalada Kismaayo ee xarunta u ah maamulka Jubaland Waxaana ay wali ku howlan yihiin xal ka gaarida waxyaabaha ay hogaamiyaasha maamulada ka tabanayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Madaxweynaha maamulka Jubaland oo todobaadkii hore ay masuuliyiintan kulan la soo qaateen ayaana sheegay inay ka go’an tahay taageerada go’aamada beesha Caalamka ee ku aadan xalinta khilaafka jira.
Dhanka kale wararka aan ka helayno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Haweenay ka mid aheyd dadka deegaanka xalay gurigeeda lagu dhex dilay.
Ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in Haweenaydaan oo lagu magacaabi jiray Caatika Ibraahin, lagu dilay xaafadda Ceelka Cabdi Shire ee dhacda dhanka Bari ee Magaalada Baydhabo.
Dilkaan ayaa cabsi ku abuuray Bulshadda kunool magaalada Baydhabo , waxaana ciidanka Booliska ay bilaabeen howlgallo ku aadan in gacanta lagu soo dhigo dadka falkaasi ka danbeeyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *