Boqolkiba 60 Galeyda ku Jirta Xarumaha Waaxda NCPB uma Wanaagsana Caafimaadka Dadweynaha

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mr. Mwangi Kiunjuri oo ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha beeraha  ayaa walaac ka muujiyay galeeyda  lagu keydiyay  bakhaarada  waaxda NCPB.

NCPB ayaa ah waax dowlada  u qaabilsan  keydinta dalagga laga soo saaro beeraha waxayna  xarumo ku leedahay degaanada kala duwan.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in boqolkiba  60  galeyda la geliyay xarumahaasi aysan  u wanaagsanayn  caafimaadka qofka sidaasi awgeedna aanan  cunno ahaan loo isticmaali karin.

Mr. Kiunjuri ayaa xubnaha  guddiga beeraha ee  golaha sharci dejinta u sheegay inuusan fahmi karin sababta taasi ay  ku dhacday  in kastoo galeyda  ay xarumahaasi ku keeydsaneyd  wax ka yar hal sano.

Sido kale wasiirka ayaa  shaaca ka qaaday  in sannadkii hore  gudaha dalka si sharci darro ah lagu    soo geliyay   4 milyan oo  jawaan oo ah galeey.

Mr.Kiunjuri ayaa intaasi ku daray inay dowladu   shaacisay in loo baahanyahay  6  milyan oo  jawaano galeey ah hasa ahaate  10 milyan laga soo dejiyay dibadda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *