(Dhageyso) Madaxweyne Uhuru oo u Riyaaqay Warbixin Bangiga Adduunka uu ku Ammaanay Qanacsiga Dalka

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta   ayaa khudbad uu manta ka jeediyay madaxtooyada  wadanka looga arrimiyo ee State House  uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin  ganacsiga  iyo musuqmaasuqa.

Madaxweynaha  ayaa  sheegay inuu  ku farxay warbixin dhawaan uu soo saaray bangiga addunka  oo Kenya  lagu ammaanay.

Waxaa warbixintaasi  lagu sheegay in Kenya  ay liiska 190 wadan  oo ku yaallo caalamka ay ka gashay nambarka 61-aad marka la eego jawiga  ganacsi ee   dalalkaasi.

Hoggaamiyaha dalka  ayaa   horumarkaasi  uga mahadceliyay  wasiirkii  hore  ee  ganacsiga  iyo warshadaha Adan Maxamad   dareenkiisa ayuuna  sidatan u muujiyay

Sido kale madaxweynaha ayaa  baaq gaar ah u diray shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay inay dowlada  ku tageeraan  isbedelada  dhaqaale  ee ay waddo.

Shacabka , ganacsatada kenyaanka ah  iyo  saaxibbada   Kenya ayuu uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen  in ka ganacsiga gudaha wadanka uu noqdo mid fudud.

Warbaahinta  maxaliga ayuu ku booriyay inay mar waliba mudnaanta koowaad siiyaan  horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in waxyaabaha laga sheego Kenya ay saameyn ku yeelato   aragtida caalamka  uu ka muujin karo.

Mr. Kenyatta oo warbaahinta kula dardaarmaya inay nabadda iyo wadajirka  dadweynaha ka shaqeyaan ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa

Bangiga aduunka ayaa  sheegay in Kenya ay sara  u sii kacday  oo ay liiskaasi  uga horumartay    ilaa iyo 19 wadan.

Dhinacyada uu wadanku horumar  ka gaaray  waxaa ka mid ah diiwaangelinta hantida , in la ilaaliyo danaha  maalgashatada laga  tirade badanyahay  iyo sido kale  mudada lagu qaato bixinta  canshuuraha oo yaraatay.

Sannadkii hore Kenya  ayaa  gashay nambarka  80-aad , bangiga adduunka ayaana ku ammaanay inay ka mid noqotay  10-ka wadan ee ugu horeeya  liiskaasi marka la eego horumarka  lagu  tallaabsaday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *