Dowlada oo u Digtay Ragga Uureeya Gabdhaha Dugsiyada Dhigta

Xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa wacad ku  maray  in tallaabada habboon laga qaadayo  ragga uurka  u  yeela  gabdhaha yaryar ee dhigta dugsiyada dalka.

Arrintan  ayaa timid kadib markii  in ka badan 10 gabdhood ay umuleen  iyagoo sameynaya imtixaanada  fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee loo yaqaano KCPE-da.

Dhanka kale wasiiradda  tacliinta Amina Maxamad ayaa la filaya  inay   faahfaahin dhameystiran ka  bixiso  imtixaanada qaran ee  maanta la soo gabagabeynayo.

Saaka ayaa waxaa iyadoo dugsiga ku wajahan umushay gabadh    ka mid ahayd  ardayda  dugsiga  hoose dhexe ee  ku yaalla  Makongo  ee ismaamulka  Kitui.

Dr.  Belio Kipsang ayaa  sheegay inaysan jirin cid  falkaasi geysata oo baxsan doono   xita hadii ay ku sugantahay  tuulooyinka .

Sido kale waalidiinta  iyo  dadka mas’uulka ka ah carruurta ayuu sheegay in xabsiga loo taxaabayo hadii ay caddaato inay qorshahaasi  qeyb ka yihiin.

Dhacdooyinka gabdhaha  umulay  iyagoo imtixaanka KCPE-da ee sannadkan sameynaya ayaa laga soo tabiyay ismaamulada   Nyeri,  kitui , Baringo  Mombasa, Nakuru  iyo qeybo ka mid ah  gobolka   Nyanza .

Xoghayaha ayaa  hoosta ka xariiqay in gabdhaha la doonayo in waxbarashada  fursad loo siiyo oo ragga aanan loo guurin sido kalena    laga hor tago falalka lagu faraxumeeyo ee saameynta ku yeesha  mustaqbalkooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *