Haweenka Kuuriyada Waqooyi oo si Caadi ah loo Faraxumeeyo

Hay’adda caalamaiga ee xuquuqul aadanaha ee Human Rights  Watch   ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in  faraxumeynta gabdhaha iyo kufsashada haweenka ay kuuriyada waqooyi ka noqotay arrin iska caadi ah.

Sarakiiisha    kuuriyada waqooyi ayay ku eedeysay inay falalkaasi geystaan iyagoo inna aanan ka cabsi qabin cawaaqib xumo.

Hay’addan ayaa dhanka kale sheegtay in xukuumada Pyongyang  aysan  xadgudubyadaasi baarin  ama   isku taxalujin   tageeridda iyo   wax  u  qabashada   dhibbanayaasha.

Qaar ka mid ah haweenka ay hay’addan sheegtay inay wareeysatay  ayaa  hoosta  ka xariiqay in ragga qaar ee  faraxumeeyay ay xilal sar sare ka hayaan dowlada .

Saraakishaasi ayaa  ka howlgalo xabsiyada    waxaana sido kale ka mid ah  askar , dacwad soo oogayaal   iyo  dembi baarayaal.

Agaasimaha guud ee  hay’addan  ,Kenneth Roth ayaa warbixin ka kooban  86 bog ku sheegay in  dhibaatooyinkaasi aanan waxba laga qaban  sido kalena ay tahay   sir ku faaftay  wadankaasi oo u muuqato in loo dulqaato ama aanan la dhibsan.

Hay’adda Human Rights watch ayaa wareysiyo la yeelatay ilaa 54 haween iyo 8 qof oo isaga cararay dalka kuuriyada waqooyi

Dhanka kale ,  tan iyo sanadkii 1990-kii haween   badan oo xaasas ah   ayaa jirkooda  ka ganacsanayay    si ay lacago ugu keenan qoysaskooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *