Ingiriiska oo Lagu Cadaadinayo inuu Cunaqabatayn Saaro Sacuudi Carabiya

Xoghayaha   waasaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska, Jeremy Hunt  ayaa cadaadis lagu saaray inuu soo magacaabo guddi gaar ah  oo  eegaya in boqortooyada Sacuudi caraiya  cunaqabateyn  lagu soo rogay iyo in kale.

Mas’uulkan ayaa dilkii wariye  Jamal Khashoggi ku tilmaamay mid lagu xumaado  oo  hanjabaad ku ah  wariyaasha.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay  in hadii Sacuudiga lagu cadeeyo eedeymaha loo soo jeediyay  ay ka dhalan karto saameyn aanan  wanaagsanayn  oo   ku timaada   xariirka kala dhexeya  ingiriiska.

Dhanka kale dacwad   soo oogaha guud ee  Turkiga ayaa baaritaano la sameeyay kadib sheegay in 2-dii bishii hore gudaha  qunsuliyadda boqortooyada Sacuudi  Carabiya ee  magaalada Istanbul lagu dhex  ceejiyay  wariye Jamal Khashoggi

Jamal  oo  ay xiligaasi dad ugu war dambeysay  ayay xukuumada Riyaadh  caalamka  u sheegtay inuu ku dhintay  dagaal ka dhex  dhacay  gudaha  qunsuliyadda.

Hasa ahaate  jawaabtaasi ayaanan u cuntamin  qaar ka mid ah madaxda  caalamka   oo dalbaday  in baaritaano madax  bannaan la sameeyo.

Bayaanka    ka soo baxay xafiiska  dacwad oogidda  Turkiga waxaa sido kale lagu xusay  in  dilka Jamal  la soo qorsheeyay.

Wax yar un kadib markii uu gudaha u galay qunsuliyadda  ayaa  laga takhalusay.

Sido kale waxaa bayaankaasi qeyb ka ah  in meydka suxufigan   la  jarjaray    ceejinta kadib.

Turkiga  ayaa  dhanka kale sheegay in natiijo wax ku ool ah aynan ka soo bixin kulan socday  saddex  maalmood oo kala dhexeyay  dacwad oogaha  boqortooyada  Saud Al-Mujab.

Jamal Khashoggi oo ahaa muwaadin  u  dhashay  Sacuudi Carabiya  ayaa faallooyin ku qori jiray  wargeyska ka soo baxa  Maraykanka ee Washington Post  waxaana lagu xasuustaa inuu si weyn u dhaliili jiray hoggaanka boqortooyada in kastoo dadkii ay aad isugu dhawayeen ay ku tilmameen inaysan  cadowtinimo ka dheehan qoraaladiisa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *