Kalkaaliyaasha Dalka oo Shaqa Joojin Qaran ku Hanjabay

Ururka qaran ee ay ku  mideeysanyihiin kalkaaliyaasha wadanka ee (KNUN  )  ayaa  wacad  ku maray   in xubnaha ka tirsan  ay muddo  hal toddobaad gudaheed ah  shaqa joojin ku dhaqaaqayaan.

Waxay  ka  cabanayaan  inuu dib u dhac ku yimid   in la saxiixo sido kalena la dhaqangeliyo    heshiis  ku saabsan  mushaar  kordhin  loo ballanqaaday sannadkii hore.

Heshiiskan oo ah mid  gorgortan ku saleysan ayay  kalkaaliyaasha  rumeysanyihiin hadii uu dhaqangalo inuu wax weyn ka bedeli karo  xaaladaha ay ku shaqeyaan.

Ururuka qaran ee KNUN  ayaa dhanka kale maamulka isbitaalka  Kenyatta ku eedeyay inusan  howlwadeenada  ka shaqeeya  u suuragelinin inay  xubno ka noqdaan dalladda  dalka ee kalkaaliyaasha.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee  KNUN, Maurice Opetu  ayaa wacad ku maray in hal isbuuc kadib ay  xubnaha ka tirsan ka dhaadhicin doonaan   inay dhigaan qalabka shaqada.

Wasiirada caafimaadka ee dalka  , Sicily Kariuki ayuu ugu baaqay  inay  wax ka qabato  isfahan waaga  jira.

Arrintan ayaa imaanaysa  iyadoo ugu yaraan  2,000 oo ah howlwadeenada caafim aadka ee ismaamulka   Homa Bay  ay ku hanjabeen shaqa joojin hadii dowlada ismaamulkaasi aysan  waqtiga habboon bixin mushaaradkooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *