Madaxweynaha Dalka oo Digniin u Diray Ganacsatada Aanan Canshuuraha Bixin

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa digniin adag u diray dadka iyo ganacsatada aanan bixin  canshuuraha  la doonayo inay ku kabaan  kobaca dhaqaale ee  wadanka.

Mr. Kenyatta ayaa hadalkan jeediyay xili uu si rasmi ah u daahfuray  hannaanka elektoroniga ah  ee   uu   maamulka  canshuuraha ee KRA dabagalka ugu sameeyo alaabta  la soo geliyo dalka ee loo yaqaano  RECTS.

Madaxweynaha ayaa sido kale furay xarun dhexe  oo qaabilsan iskudubaridka    arrimaha dakhliga    taasi oo fududeyn doonto bixinta  adeegyada KRA.

Sido kale  Mr. Kenyatta ayaa  sheegay inuu hoos u dhac ku yimid  dakhliga wadanka ka soo galo canshuuraha la aruuriyo.

Waxaa uu  maamulka KRA  u soo jeediyay inuu  si gaar ah u eego  baaritaanada lagu sameeyo hantida  shaqaalaha  dowlada  si loo ogaado halka  ay ka heleen  dhaqaalahaasi.

Mr. Kenyatta ayaa  carrabka ku adkeeyay  in tallaabo adag laga qaadayo cid waliba oo aanan  canshuur bixinin.

Madaxweynaha ayaa  KRA  ku amray  inay si weyn u adeegsato  teknoolojiyadda si uu meesha uga baxo  nidaamkii hore ee caadiga ahaa sarana loogu qaado islaxisaabtanka dhanka  maaliyadda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *