Madaxweynaha Sri Lanka oo Baarlamaanka Isugu Yeeri Doono

Hoggaamiyaha wadanka  Sri Lanka,  Maithripala Sirisena ayaa  5-ta  bishan koow iyo tobnaad lagu wadaa inuu  guddoomiyo shirka  golaha baarlamaanka  dalkaasi.

Arrintan ayaa waxaa maanta oo khamiis ah shaaca ka qaaday ra’iisul wasaaraha dhawaan la  magacaabay  Mahinda Rajapaksa .

Maalmihii la soo dhaafay   dowlada  Sri Lanka ayaa  wajahaysay  cadaadis  caalami ah oo ku addan inay  dejiso   xaaladda siyaasadeed ee kacsan ee  halkaasi ka jirta.

Mr. Sirisena  aya  Rajapaksa  soo magacaabay jimcihii kadib markii uu kala diray xukumadii ra’iisul wasaare  Ranil Wickremesinghe.

Ra’iisul  wasaarihii hore ee  wadankaasi ayaa tallaabada  lagu  kala diray  xukuumadiisi  ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *