Midowga Yurub oo 5 Bilyan ugu Deeqay Ismaamulka Nairobi

Midowga  Yurub ayaa   dhaqaale  gaaraya  5 bilyan oo shilin ugu deeqay dowlada  ismaamulka Nairobi si ay ugu adeegsato  mashruuc dhanka  gaadiidka ah.

Ismaamulka Nairobi ayaa qorsheynaya   inuu dhaqangeliyo  mashuurc  ku aaddan in la xalliyo ciriiriga   ka dhasha isku socodka  gawaarida.

Barnaamijkan oo loogu  magacdaray  BRT  ayaa  lagu qarash gelinaya 9.6 bilyan oo shilinka dalka ah.

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa fulinta  mashruucan  xariga ka  jaray  sannadkii 2015-kii hasa ahaate weli laguma guuleysan  dhaqaale yari awgeed.

Safiirka  midowga Yurub   ee dalka, Stefano Dejak  ayaa sheegay in deeqdaasi  muddo saddex sano ah lagu kabi doono  kaabayaasha waddooyinka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *