Madaxweynaha Koonfur galbeed oo rajo ka muujiyay inuu markale ku guulaysan doono doorashada maamulkaasi.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay Caddaadiska uu sheegay inuu xiligaan wajahayo kaasoo ku aadan in dowladda dhexe ay taageerayso qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka maamulkaas ugu sareeya.
Waxaa uu sheegay inuu kalsoon badan ku qabo xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed,isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu markale ku soo noqon doono xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Shariif Xassan ayaa Xildhibaanada maamulkiisa ka codsaday inay codkooda ku gaateeen maadaama sida uu sheegay dowladda dhexe ay Caddaadis xooggan ku hayso.
Shariif Xasan wuxuu sheegay mudadii uu ahaa Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed inuu sameeyay waxyaabo badan oo qayb ka ah hormarka shacabka deegaankaas.
Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed ayuuna sheegay inay garanayaan danta shacabka deegaankaas maadaama ay xog ogaal u yihiin xaaladaha jira.
Shariif Xasan Sheikh Adan madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Ayaan la ogayn inuu xilkaas ku soo laabanayo iyo in kale maadaama ay jiraan shasiyaad kale oo saamayn weyn leh kuwaasoo loolanka la galaya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *