7 qof oo ku safrayay gaari bus ah oo lagu dilay dalka Masar

Wararka inaga soo gaarayaa wadanka Masar ayaa waxaa ay sheegayaa in 7 qof oo masiixiyiin ah kuwaas oo ku safrayay gaari bus ah lagu dilay weerar ka dhacay dalkaasi.
Dadkani la laayay ayaa ka soo baxay kaniisda lagu magacaabo Saint Samuel Coptic iyagoona wax yar un ka dib lagu furay rasaas.
Weerarkaasi ayaa sido kale waxaa lagu dhaawacay 14 qof.
Madaxweynaha wadanka Masar ayaa sheegay inuu aad uga naxay weerarkaasi isagona wacad ku maray inuu wax ka qaban doono kooxaha uu ugu yeeray argagixisada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *