DHAGEYSO Wasaarada haweenka Soomaaliya oo dadaal ugu jirta dhamaystirka sharciga dadka naafada ah.

Wasiirka wasaarada arimaha haweenka iyo xaquuqul insaanka dowlada fedraalka Soomaaliya marwo Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaaa sheegtay in wasaaradeedu ay dadaal dheer ku bixinayso sidii dadka Soomaaliyeed ee uusan lixaadkoodu dhamaystirnayn ay ku helilahaayeen xaquuqdooda aas-aasiga ah.
Wasiir deeqo Yaasiin oo la hadshayTelefishinka qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in axdiga xaquuqda aadanah ee bishii hore ay Soomaaliya saxiixday qodobadiisu ay dhamaystirayaan baahiyada dadka naafada ah si ay ula mid noqdaan dadka kale ee lixdaadkoodu buuxo gaar ahaan inay helaan waxbarasho, caafimaad,warbixinada dunida ka jira iyo inay xarumaha dowladu yeeshaan goobo dadka naafada ah u gaar ah.

Wasiirada ayaa dhanka kale soo hadal qaaday Axdiga ilaalinta xaquuqda caruurta waxayna sheegtay inay bishaan gudbinayaan warbixinta ku saabsan hormarka laga gaaray ilaalinta xaquuqda caruurta Soomaaliyeed.

Wasiir deeqo yaasiin waxay sido kale ka hadashay arinta ku aadan sharciga jinsiga Soomaaliya oo kal hore culimada Soomaaliyeed ay dood ka keeneen gaarayaan ayadoo xildhibaanada ka codsatay inay meelmariyaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *