Dowlada oo mamnuucday in lacago caddaan ay bixiyaan dadka isticmaala adeegyada NYS

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in lacago caddaan ama kaash ah ay bixiyaan dadka la siiyo qandaraasyada waaxda qaran ee adeegga dhalinyarada ee NYS iyo sido kale xabsiyada dalka.
Hadalkan ayuu jeediyay xili uu tagay xabsiga Kaloleni ee ismaamulka Kilifi waxaana wehelinaysay wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha , dhalinyarada iyo jinsiyadda Prof. Margaret Kobia.
Labada wasiir ayaa halkaasi si wadajir ah xariga uga jaray xeel biyood.
Dr.Matiangi ayaa carrabka ku adkeeyay in dowlada ay sii wadi doonto dadaalada falalka musuqmaasuqa looga sifeynayo waaxyaha hoos tago wasaaradaha dalka.
Tallaabadan ayuu ku sheegay inay tahay mid looga gol leeyahay inay jirto islaxisaabtan iyo daahfurnaan dhanka maareynta dhaqaalaha ah.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in hadii dadka loo fidiyo adeegyada NYS iyo xarumaha maxabiista aysan bixin lacago kaash ah la yareyn karo lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Lacagaha ayaa lagu bixinaya qaab elektoroonik ah ama jeeg ah.
Margaret Kobia ayaa dhankeeda shacabka kenyaanka ah u xaqiijisay inaysan jiri doonin dhaqaale hadda kadib laga dhaco NYS halka weli ay socoto dhageysiga dacwado loo haysto sarakiil horay uga tirsanaa waaxdaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *