Guddiga beeraha ee aqalka sare oo loogu baaqay inuu su’aalo weydiiyo wasiirkii hore Willy Bett

Waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo xubnaha guddiga aqalka sare u qaabilsan arrimaha beeraha taasi oo ku aaddan inay u yeeraan wasiirkii hore ee wasaaradda beeraha haatanna ah safiirka Kenya ee India , Willy Bett.
Arrintan ayaa timid kadib markii wasiirka hadda xilka haya Mr. Mwangi Kiunjuri uu sheegay in sannadkii hore dalka si sharci darro ah lagu soo geliyay ilaa iyo 4 milyan oo jawaano galeey ah.
Waxay senetarada ka tirsan Senetka dalka su’aalgeliyeen sida 10 milyan oo loorar galey ah wadanka loo soo geliyay in kastoo loo baahnaa 6 milyan oo keliya.
Sido kale Kiunjuri ayaa aqalka sare u sheegay in baaritaano ay sameysay waaxda dowlada dhexe u qaabilsan xaqiijinta tayada badeecooyinka ee KEBS lagu ogaaday in boqolkiba 60 galeyda ku jirta bakhaarada waaxda NCPB aysan u wanaagsanayn caafimaadka dadweynaha sidaasi awgeedna cunno ahaan aanan loo isticmaali Karin.
Waxaa bilooyinkii la soo dhaafay wadanka ka taagnayd dood iyo hadal hayn ka dhalatay lacago la siiyay ganacsato NCPB ku wareejiyay galey ay ka keeneen dibadda in kastoo ay jireen beeraley ka soo saaray gudaha dalka.
Wasirika beeraha , ayaa sheegay in dhibaatooyinkaasi ay dhaceen xiligii uu Bett wasaaradaasi hoggaaminayay sidaasi awgeedna ay haboontahay in la weydiiyo sida ay wax u dhaceen.
Xoghayaha wasaaradda maaliyadda u qaabilsan dhanka maamulka ,Nelson Gaichuhie ayaa Willy Bett ku eedeyay inuusan wargeyska dowlada ku caddeynin qiimaha galeyda ee loo baahanyahay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *