Guddiga doorashada Koofur Galbeed somalia oo soo saaray shuruudaha Musharaxiinta

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa soo saaray shuruudaha laga rabo Musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha ee dhici doonta 17-ka bisha November.
Warqad ka soo baxday Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa lagu soo bandhigay shuruudaha laga rabo inay fuliyaan Musharaxiinta ka hor inta aysan araajidooda gudbin iyo marka ay gudbiyaan.
Shuruudaha ayaa waxa ka mid ah inuu yahay muwaadin Soomaali ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, isla markaana aanu qabin Xaas Ajnabi, in aanu gelin dambi culus oo ay Maxkamad xukuntay in da’diisa ka yareyn 40 sano.
Waxaa kaloo shuruudaha ka mid ah in Musharaxa haya xil in ka hor inta aanu soo gudbin musharaxnimadiisa uu iska casilo xilkaas, kuna soo lifaaqo warqad cadeyneysa in laga aqbalay istiqaaladii xileed.
Sidoo kale shuruudaha ayaa waxaa ka mid ah in Musharaxa uu bixiyo lacag dhan 20-kun oo dollar, halka haweenka Musharaxiintana laga rabo 10-kun oo dollar

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *