Hal bil oo ka soo wareegatay dilkii Khashoggi

Waxaa maanta oo ay taarikhdu tahay 2-da bisha koow iyo tobnaad ee Novembar hal bil laga joogaa xiligii uu wariye Jamal Khashoggi gudaha u galay qunsuliyadda boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ku leedahay magaalada Istanbul ee Turkiga.
2-dii bishii hore ayaa khashoggi dad ugu war dambeysay waxaana markii dambe soo baxay eedeymo ah in la dilay.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa caalamka u sheegtay in suxufigan oo si weyn u dhaliili jiray uu ku dhintay dagaal ka dhacay gudaha qunsuliyadda Istanbul hasa ahaate taasi ayaan noqon jawaab dhameystiran oo lagu qanco.
Wariyahan oo ay da’diisu ahayd 59 sano ayaa ahaa muwaadin u dhashay Sacuudiga halka uu maqaalo ku qori jiray wargeyska ka soo baxa Maraykanka ee Washington Post.
Khashoggi ayaa markii ugu horeeysay Qunsuliyadda tagay 28-kii bishii sagalaad si uu u dhameystiro dokumeentiyo ku saabsan guurka.
Hasa ahaate waxaa loo sheegay inuu dib u soo laabto 2-dii Oktoobar.
Turkiga ayaa aaminsan in maalmahaasi dilkiisa la sii qorsheeyay.
Haweeneyda uu doonayay inuu guursado Hatice Cengiz ayaa lagu reebay afaarka hore ee qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.
Kadib markii ay saddex saacadood sugeysay ayay sarakiisha weydiisay waxaana lagu yidhi wuu baxay.
Waxaa marba marka ka sii dambeysa soo baxaya warbixinada kala duwan ee ku aaddan Jamal Khashoggi.
In kastoo ay weli baaritaanada socdaan, waxaa dhawaan soo baxday warbixin lagu sheegay in wariyahan la ceejiyay kadibna jirkisa la jarjaray.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *