Sarkaal ku eedeysnaa dilka Monica Kimani oo la sii daayay

Orlando Odhiambo, oo ka mid ah sarkaalada sare ee Recce Squad ayaa maanta la sii daayay isagoo in mudo ah lagu haayay xabsiga isagoona ku eedeysanaa dilka gabadh lagu magacaabo Monica Kimani oo 28 sano jir ahayd.
Tuhmanahani ayaa la sheegay in ay si weyn isugu dhawaayeen Joseph Irungu oo ah tuhmanaha ugu weyn ee lala xariirinayo dilka gabadhaasi.
Orlando Orhiambo ayaa kala cadeeyn in lacag damiin ah lagu sii daayay iyo in kale balse dhawaan ayay ahayd markii damaanad lagu sii daayay Jaque Maribi oo saaxib la ahayd Joseph Irungu .
Waxaa wali xabisga lagu hayaa Joseph Irungu oo loo yaqaano Jowie isagoona wali lagu hayo baaritaano xoogan.
19-kii bishii September ayay ahayd markii Monica Kimani Meydkeeda laga helay gurikeeda oo ku yaala xaafada Kilimani.
Maxkamada ayaa ciidamada booliska u qabatay in 14 maalmood ah ay ku soo gabagabeeyaan baaritaanada dilka Monica Kimani.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *