Wasiirada Canada oo ku baaqay in la soo afjaro colaadda Yemen

Wasiirada dowlada Canada ayaa maanta oo jimco ah baaq ka soo saaray dagaalada in muddo ah ka taagnaa wadanka Yemen .
Labada dhinac ee iska soo horjeeda ee kala ah dowlada ka taliso Yemen iyo kooxda Xuutiyiinta ayay kula taliyeen inay heshiiyaan.
Wasirika arrimaha dibadda ee Canada Chrystia Freeland iyo dhigiisa horumarinta caalamiga ah Marie-Claude Bibeau ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha dalkaasi ka taagan ee horseeday rabshado, macluul, cunno yari , dhimasho iyo dhibaatooyin bani’aadanimo oo daran.
Canada ayaa deeq lacageed oo ah 130 milyan oo doolar u ballanqaaday Yemen si wax looga qabto xaaladda bani’aadanimo ee halkaasi ka jiray tan iyo 2015-kii.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *