Aqalka Sare oo digniin ka soo saaray doorashada Koonfur Galbeed

Gudiga joogtada ah ee golaha aqalka sare baarlamaanka Sooomaaliya oo maanta shir ku yeeshay xaruntooda Muqdisho ayaa waxa ay ka digeen in aan wax faragelin ah lagu sameynin doorashooyinka dhawaan ka dhacaya qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalkaasi.
Xogyaha aqalka sare Cali Maxamed Jaamac oo warbaahinta la hadlay shirka ka dib ayaa waxa uu sheegay in ay ka digayaan in aan faragelin lagu sameynin doorashada maamul goboleedyada gaar ahaan koonfur Galbeed.
Waxa uu ugu baaqay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed in ay u hogaansamaan shuruucda u dagsan maamulkaasi iyo tan guud ahaan ee dalka soomaaliya.

17- ka bishan ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo ee maamulka koonfur Galbeed ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo ay u loolan ugu jiraan musharixiin dhowr ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *