Hoggaamiyaasha muslimiinta dalka oo bayaan ka soo saaray aftida dastuurka lagu bedelayo

Dalladda ay ku mideeysanyihiin madaxda muslimiinta dalka ee NAMLEF ayaa siyaasiyiinta ugu baaqday inaysan jeedin hadalo kala qeybsanaan keeni karo oo ku saabsan olalaha loogu jiro in wax looga bedelo dastuurka wadanka u degsan.
Ololahan oo uu hor kacayo madaxa xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot ayaa waxaa ka dhalatay hadal hayn ballaaran.
Hadalkan ayay maanta ka jeediyeen shir jaraaid oo ay ku qabteen magaaladatani Nairiobi.
NAMLEF ayaa dhanka kale shaaca ka qaadday inay si weyn dowlada ugu tageereyso la dagaalanka musuqmaasuqa.
Sheekh Cabdullahi Cabdi oo ah guddoomiyaha ururkan ayaa sheegay in cid kasta ay u madax bannaantahay soo bandhigidda aragtideeda sidaasi awgeedna ay lagama maarmaan tahay in taasi la qadariyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *