Laba arday ah oo webi ku dhacay iyagoo isa sawiraya

Laba arday oo dhiganayay jaamacadda Jaramogi Oginga Odinga iyo machadka farsamada ee Bondo ayaanan weli meydadkooda la helin kadib markii galinkii dambe ee shalay ay ku dhaceen webiga Yala oo ku yaallo degaanka Bondo ee ismaamulka Siaya.
Ardaydan ayaa lagu kala magacaabaa Derrick Auka iyo Sharon Atieno, waxayna sawiro isaga qaadayeen gebiga ama webiga qarkiisa ka hor inta aysan ku dhicin.

Taliyaha saldhigga booliska ee degaanka Bondo ,Harriet Kinya ayaa sheegay in ardaydaasi weli la raadinayo iyadoo dhanka kale ay baaritaano socdaan.
Dhacdadan ayaa ka mid ah halista ka dhalan karto sawiradda uu qofku iska qaado ee loo yaqaano selfies .
Intii u dhexeysay sannadihii 2011-kii ilaa iyo sannadkii hore ee 2017-kii ugu yaraan 259 qof ayaa sidatan oo kale u dhintay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *