Maxkamada Baxrayn oo xabsi daa’in ku xukuntay saddex ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka wadankaasi

Maxkamad ku taallo wadanka Baxrayn ayaa maanta oo axad ah waxba kama jiraan ka soo qaaday xukun horay loogu diray siyaasiyiin ka tirsan garabka mucaaradka ee dalkaasi.
Waxay xabsi daa’in ku xukuntay saddex sarkaal oo sar sare oo xubno ka ah mucaaradka.
Siyaasiyiintan ayaa horay loogu eedeyay inay u basaseen dowlada Qatar .
Hasa ahaate kooxaha u ololeeya xuquuqul aadanaha ayaa go’aanka maxkamada ku tilmaamay mid looga tallaabsaday cadaaladda.
Bayaan ka soo baxay waaxda dacwad soo oogida ee Baxrayn ayaa lagu sheegay in eedeysanayaasha la xukumay ay kala yihiin Sheikh Cali Salman, oo ahaa xoghayaha guud ee ururka al-Wefaq ,Sheikh Xassan Sultan iyo Cali Alaswad oo xubno ka ah.
Eedeymaha kale ee loo soo jeediyay waxaa ka mid ahaa inay tageero maaliyadeed ka heleen Qatar kadib markii ay gudbiyeen macluumaad sir ah.
5-tii bishii lixaad ee sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii wadamada Baxrayn, Masar, isutaga imaraadka carabta iyo Sacuudi Carabiya ay xariirkii dibloomaasiyeed u jareen Qatar oo ay ku eedeyeen inay garab siiso kooxaha argagixisada in kastoo ay iska fogeysay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *