Shir lagu dhamaynayo Khilaafka Madaxda Galmudug oo lagu qabtay Gaalkacyo

Wadoo wali uu taagan yahay khilaafka ka dhex jira madaxda maamulka galmudug sidoo kalena ay xubnaha maamulkaasi ugu sareeya ee ku kala sugan magaalooyinka Cadaado iyo dhuusamareeb ay sheegeen inay inay xilalaka kuwaba kuwa kale qaadeen ayan badalkood doorteen ayaa waxaa dhanka kale socda dadaalada ku aadan in xal laga gaaro khilaafka jira.
Odayaasha dhanka ee ku nool magaalada Gaalkacyo iyo xubno ka socda aqalka sare ee Soomaaliya lagana soo doortay deegaanada maamulka Galmudug ayaa wada dadaal lagu xalinaya khilaafka madaxda galmudug ee sababay inay dib u dhacaan howlihii ay shacabku kaga baahnaayeen.
Sudaan C/naasir Jaamac Seed wuxuu ka mid yahay waxgaradka ku howlan dhamaynta khilaafka madaxda Galmudug wuxuuna sheegay in 7 bishaan magaalada Gaalkacyo shir lagu dhamaynaya khilaafkaas sidoo kalena ay ka soo qayb galayaan dhinacyada wax kala tirsanaya iyo waxgaradka deegaanka.
Wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay qodobo muhiim ah oo xal lagu gaaro ay ka soo bixi doonaan madashaasi loo balansan yahay.
Khilaafka ka dhexeeya madaxda maamulka Galmudug ugu saraysa Ayaan ilaa iyo hada aan xal laga gaarin waxaana dhowr mar ooh ore guul daraystay isku dayo badan oo la doonayay in lagu dhameeyo khilaafkaas,dadaalka ay hada wadaan madaxda dhaqanka ayaa ku soo beegmaya ayadoo labada garab ee Galmudug ee ku kala sugan magaalooyinka Cadaado iyo dhuusamareeb ay sheegeen inay xilalkii iska qaadeen dad kalena soo doortay taasoo ka dhigaysan in laba madaxweyne labo gudoomiye baarlamaan iyo labadooda ku xigeen ay had aka jiraan maamulka Galmudug sidii laraboba halagu soo doortee.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *