Shirkadda Twitter oo meesha ka saartay ugu yaraan 10 kun oo akoontiya ah

Shirkadda Twitarka oo ka mid ah baraha ay bulshadu ku wada xariirto ayaa meesha ka saartay in ka badan 10 kun oo ah akoontiyada lagu isticmaalo .
Shakhsiyaadka akoontiyadan adeegsada ayaa lagu eedeyay inay gudbiyeen farrimo ay doonayaan inay dadweynaha Maraykanka kaga dhaadhiciyaan inaysan ka qeyb gelin doorashada dhawaan dhaceysa.
Shirkadda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay tallaabadan qaaday bilihii Septembar iyo Oktoobar ee sannadkan.
Sanandkii 2016-kii ayay ahayd markii Twitter ay khadka ka saartay malaayiin akoontiyo ah oo xiligaasi la sheegay in lagu faafiyo warar been abuur ah oo ku saabsanaa doorashadii madaxtinimo ee uu hoggaanka kula wareegay Donald Trump.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *