Dhageysiga dacwad ka dhan ah ku xigeenka madaxa cadaaladda dalka oo bilaabatay

Waxaa maanta la soo hadal qaaday dacwad ka dhan ah ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka ,Philomena Mwilu.
Kiiskaasi ayaa waxaa maxkamada geeysay waaxda dacwad soo oogidda ee uu agaasimaha ka yahay Nuurdiin Xaaji.
Maxkamada sare ee dalka ayaa horay u istaajisay dhageysiga arrimo dhowr ah oo lagu eedeyay Mrs. Mwilu.
Haweeneydan iyo qareen lagu magacaabo Mr. Stanley Muluvi ayaa loo haystaa ilaa iyo 13 eedeymo ah oo la xariira lacago ay si aanan habboonayn ku heleen.
Agaasimaha dacwad oogidda dalka Mr.Nuurdiin Xaaji ayaa goor sii horeysay madaxa cadaaladda ee dalka David Maraga ka codsaday inuu soo magacaabo garsoorayaal dhageysanaya kiisaska ka dhanka ah Mwilu.
David Maraga ayaa soo magacaabay 5 garsoorayaal oo kala ah Helen Omondi, William Musyoka, Mumbi Ngugi, Chacha Mwita iyo Francis Tuiyot .
Philomena Mwilu ayaa ku doodaysa in waxyaabaha lagu eedeyay ay yihiin kuwo la doonayo in sumcadeeda lagu dhaawaco.
Dhanka kale ciidamada booliska ee ismaamulka Machakos ayaa guda galay baaritaano ku aaddan dilka Mr Timothy Mbithi Mutuku oo ay wada dhasheen agaasime ku xigeenka waaxda dacwad oogidda Nicholas Mutuku.
Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Wajeer ayaa sheegaya in maanta maxkamad la soo taagay mid ka mid ah maamulayaasha dugsiyada sare ee dowlad degaankaasi kadib markii lagu eedeyay inuu faraxumeeyay gabadh ardayad ahayd oo da’deeda lagu sheegay 18 sano.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *