DHAGEYSO Wasiirada uu Magacaabay Axmed Baasto Mid Ka Mid Ah oo Qaadacay xilkaasi.

kadib markii Maalma kahor Madaxweynaha garabka Galmudug ee jooga Magalada Cadaado uu Magacaabay Xubno wasiiro ah,ayaa hada wararka soo baxaya waxaay sheegayaan in qaarkood ay diideen xilalkii loo Magacaabay.
Axmed Baasto oo dhawaan xildhibaanada maamulka Galmudug ee ku sugan magaalada Cadaado ay u doorteen madaxweyne kadib khilaafka madaxda sare ee Galmudug ayaa Wasiirada uu Magacaabay waxaa ka mid ahaa Cabdiqaadir Qalab-Xoor oo horayna u ahaa Wasiirka dekadaha Galmudug, markalena isla xilkaasi loo Magacaabay balse wuxuu sheegay inuusan jirin xil hada loo dhiibay.
Cabdiqaadir Qalab-Xoor oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug ee uu aqoonsan yahay uu yahay Axmed Ducaale Geelle Xaaf,isagoo nasiib daro ku tilmaama khilaafka madaxda galmudug ee soo laalaabtay islamarkaana aan wax xal ah laga gaarin.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug ayaa sababay in Maamulka Galmudug uu yeesho laba Madaxweeyne,Laba Guddoomiye Baaramaan, labo ku xigiino iyo Xubno laba mar la soo kalamagacaabay oo gole wasiiro ah,kuwaas oo kala degan Magaalooyinka Cadaado iyo dhuusamaeeb ee gobolka Galgaduud.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *