Ergayga QM ee Soomaaliya oo gaaray magaalada gaalkacyo.

Waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo gaaray ergayga gaarka ah xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wafdi uu Hogaaminayo.
Xarunta Madaxtooyada ayaa wafdiga waxaa ku soo dhaweyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir .
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa xarunta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo waxa uu ku qaabilay Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya Nichalos Haysom iyo Wakiilka midowga Africa u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya Francisco Madeira.
Labadad dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka ka dhax taagan maamul goboleedyada iyo Dowlada Federalka Soomaaliya.
Madaxda Galmudug ayaa sidoo kale sheegtay in Beesha Caalamka ay kala hadleen Faragalin ay ku eedeeyeen Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *