Guddiga TSC oo digniin u jeediyay macalimiinta iyadoo imtixaanka KCSE-da uu bilowday

Guddiga adeegga macalimiinta ee TSC ayaa digniin adag oo la xariirta maaraynta imtixaanada qaran u diray barayaasha dalka.
Waxaa dhawaan guud ahaan dalka ka bilowday imtixaanka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee loo yaqaano KCSE-da.
Arday ay tiradoodu gaareysa 664,585 ayaa imtixaanada u fariisanaya waxayna ku bilaabayaan maadada xisaabta.
Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macaliminta ee TSC Nancy Macharia ayaa wacad ku martay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo macalinkii lagu caddeeyo inuu isku dayay in ardada uu garab ku siiyo xatooyada imtixaanka.
Sido kale waxay sheegtay in shaqada laga ceyrin doono macalinkii ay soo baxdo inuu gabadh uur u yeelay.
Ms Macharia ayaa carrabka ku adkeysay inaan marnaba loo dulqaadan doonin arrin saameyn ku yeelan karto mustaqbalka gabdhaha dugsiyada dhiganaya.
Guddiga TSC ayaa shaqada si ku meel gaar ah uga istaajiyay ugu yaraan 40 macalimiin ah oo sannadkii hore lagu eedeyay inay ardayda u fududeyeen qishka ama xatooyada imtixaanka.
Waxaa sido kale waxba kama jiraan laga soo qaaday natiijadii 1,200 arday ah oo khiyaano sameeyay.
Hadalka madaxa fulinta ee TSC ayaa imaanaya maalmo un kadib markii wasiiradda wasaaradda waxbarashada ee dalka Amina Maxamad ayaa walaac ka muujisay tirada gabdhaha uureystay xiligi imtixaanka oo sara u kacday.
Amina Maxamad ayaa hoosta ka xariiqday in dhawaan la soo bandhigi doono xeer lagula tacaaliyo dhibaatadaasi.
Amarrada ay wasaaradda waxbarashada soo saartay waxaa ka mid ah inaan warqadaha imtixaanka lagu qaadi karin baabuurta sida gaarka ah loo leeyahay ee la kireysta.
Dhanka kale ilaa iyo 20,156 oo ka mid ah ciidamada dalka ayaa si weyn u sugaya ammaanka.
Wasiiradda wasaaradda waxbarashada ee dalka Amina Maxamad ayaa saaka gaartay degaanka Mvita ee ismaamulka Mombasa halkaasi oo ay kormeer ku sameysay qaadiida warqadaha imtixaanka.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitarka ayay ku sheegtay inuu wehelinayay xoghayaha dhanka maamulka ee wasaaradda arrimaha dibadda Ababu Namwamba.
Wasiiradda ayaa shacabka Kenyaanka ah u ballanqaaday in imtixaanada si dhow loola socon doono si cadaalad ahna ay ku soo dhamanayaan.
Golaha imtixaanada qaran ee KNEC ayaa sheegay inuu si weyn isugu diyaariyay ka hortagga iyo la tacaalidda falalka qishka ama xatooyada.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay inay jiraan ilaa iyo 222 dugsi oo horay laga soo tabiyay qishka sidaasi awgeedna isha lagu hayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *