Ingiriiska oo ku baaqay in wax laga qabto xaaladda bani’aadanimo ee Yemen

Dowlada ingiriiska ayaa maanta oo isniin ah golaha ammaanka ee qaramada midoobay ugu baaqday inay xal u raadiso dhibaatooyinka bani’aadanimo ee ka jira wadanka Yemen.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska Jeremy Hunt ayaa carrabka ku dhuftay in la joogo xiligii uu goluhu tallaabo qaadi lahaa.
Ergeyga jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ee Yemen Martin Griffiths ayaa dhankiisa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xaaladu ay aad u liidato.
Waxaa bayaankaasi lagu soo jeediyay in la istaajiyo dagaalada u dhexeya kooxaha isku haya siyaasadda Yemen.
Tan iyo sannadii 2014 –kii waxaa colaadda Yemen ku dhintay ugu yaraan 10,000 oo qof.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ,Antonio Guterres ayaa jimcihii ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro rabshadaha ka taagan Yemen.
Dhanka kale hay’adda jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u qaabilsan carruurta ee UNICEF, ayaa sheegtay in gudaha Yemen ay ku noolyihiin 1.8 milyan oo carruur ah oo ay da’adooda ka hooseyso 5 sano kuwaasi oo wajahaya nafaqo darro halka 400,000 oo ka mid ah ay nooloshoodu halis ku jirto.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *