Maraykanka oo mar kale cunaqabateyn ku soo rogay iiraan

Waxaa maanta dhaqangalaysa cunaqabateyn ay dowlada Maraykanka mar kale ku soo rogtay dalka iiraan.
Xayiraaddan ayaa la xariirta shidaalka iyo maaliyadda halka ujeedada laga leeyahay ay tahay in xukuumada Tehran lagu cadaadiyo inay gebi ahaanba joojiso gantaalada ridada dheer ee lagu eedeyay inay adeegsato iyo soo saaridda hubka nukliyeerka.
Cunaqabateyntan uu Maraykanka soo celiyay ayaa meesha laga saaray sannadii 2015-kii xiligaasi oo iiraan ay wadamada ugu awoodda badan caalamka heshiis la saxiixatay.
Bishii shanaad ee sannadkan ayuu hoggaamiyaha xukuumada Washington Donald Trump shaaciyay inuu heshiiskasi isaga baxay maadaama uu iiraan ku eedeyay inaysan daacad ka ahayn ka dhabeyntiisa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *