Qaar ka mid ah wadayaasha mataatuuda oo walaac ka muujiyay shuruuc dib loo soo celiyay

Qaar ka mid ah wadayaasha baabuurta ay dadweynaha raacaan ee u kala goosha xaafadaha kala duwan ee magaalooyinka loona yaqaano Mataatuuda ayaa walaac ka muujiyay shuruuc ku saabsan gaadiidka .
Waxay sheegeen in ciidamada booliska ay sameyeen howlgalo lagu baacsanayo baabuurta aanan lahayn qalabka lagu xakameeyo xawaaraha uu ku socdo gaariga.
Hasa ahaate booliska ayaa dhankooda sheegaya inay howlgalada yihiin kuwo iska caadi ah oo aanan cidna lagu bartilmaameedsan.
Gaadiidleyda qaar ayaa hakad geliyay shaqadooda taasi oo saameyn ku yeelatay rakaabka maadaama kuwa kale ay sara u qaadeen qarashaadka ama nooliga.
Ciidamada booliska ee dalka ayaa laga bilaabo 12-ka bishan oo isniin ah ku tallaaba qaadi doono dhaqanggelinta shuruucda wadooyinka ee loogu magacdaray wasiirkii hore ee gaadiidka John Michuki.
Arrintan ayaa la doonaya in lagu xakameeyo shiilaka laga soo tabiyo qeybaha kala duwan ee dalka.
Waxyaabhihii uu soo saaray Michuki ee laga tagay ama aanan si buuxda loogu dhaqmin waxaa ka mid ahaa qalabka lagu xakameeyo xawaaraha baabuurta.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi iyo dhigiisa gaadiidka , James Macharia ayaa sheegay in mar kale ay shuruucdaasi dhaqangalayso .
Bayaan ka soo baxay wasaaradda gaadiidka ayaa lagu xusay in shirkadaha baabuurta loo qabanayo ugu dambeyn 12-ka bishan si ay si buuxda u fuliyaan arrimaha laga doonayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *