Wasiir ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo is Casilay.

Wasiirkii wasaaraha Tamarta iyo khayraadka biyaha xukuumada Fedraalka Soomaaliya Cabdi Casaiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu xukuumada Soomaaliya ka hayay.
Xildhibaan Lafta Gareen oo Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay maanta Shir Jaraa’id ku qabtay ayaa shaaciyay inuu xilkii wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya isaka casilay maadaama uu u taagan yahay doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya sidoo kalena gudiga doorashooyinka maamulkaasi ay sheegeen inay doonayaan xilkaas inuu iska casilo.
Waxa uu sheegay in Maanta oo ay taariikhdu tahay 5/11/2018 uu iska casilay xilka wasiirnimo ee uu ka haayay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Maadaama uu u taagan yahay xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Cabdi Casaiis Xasan Maxamed (laftagareen) wasiirkii wasaarada Tamarta iyo Khayraadka biyaha Soomaaliya ee maanta ku dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay ayaa horay ugu tartamay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliy waxaana kaga guulaystay Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan, xilligaasna wuxuu sidaan oo kale iska casilay wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya wallow uusan loolankaas ku guulaysan.
Intaasi kadib waxaa markale loo Magacaabay Wasiirka wasaarada Tamarta iyo khayraadka Biyaha ee Xukuumada Soomaaliya oo uu hadana maanta xilkaas iska casilay maadaama uu doonayo xilka madaxweyne Maamul goboleed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *