Xubno aqalka sare iyo Beesha Caalamka ka socda oo maanta ku wajahan magaalada Gaalkacyo.

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi maanta ay ku wajan yihiin xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Madaxa xukuumadda isla maamulkaas ayaa shalay gaaray magaalada Gaalkacyo,waxaana lagu wadaa in halkaas uu dhawaan ka furmo kulan looga hadlaayo xal u helida xaaladda siyaasadeed ee madaxda maamulka Galmudug.
Sida uu qorshuhu yahay Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta laguw adaa inay gaaraan Wafdiga ka socda Beesha Caalamka oo u hoggaamiyo Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya Danjire Nicholas Haysom.
Ammaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu waddaa inay kulan yeeshaan Wakiilka Qaramada Midoobey iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug oo xilliggaan uu khilaaf adag kala dhexeeyo ku xigeenkiisa,gudoomiyaha baarlamaanka iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug.
Xubnha Beesha Caalamka ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu doonaayo in lagu xaliyo Khilaafka ka dhaxeeya dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda oo xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay iyo sidoo kale mid isna ka dhex jira madaxda ugu saraysa maamulka Galmudug

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *