Cameroon oo ay ka bilowdeen howlgalo lagu baadigoobaya arday la afduubtay

Dowladda Cameroon ayaa guda gashay hawlgalo ballaaran oo la doonayo in lagu soo badbaadiyo 79 caruur ah oo laga afduubtay dugsi wadankaasi ku yaallo.
Rag hubeysan ayaa carruurtan ka kaxeystay magaalada Bamenda ee dhacda dhanka waqooyiga Cameroon.
Dowladda Cameroon ayaa afduubkaasi ku eedaysay jabhad doonaysa in gobolka Ingiriiska looga hadlo ee dalkaasi uu ka go’ dalka intiisa kale in kastoo Jabhadda ay beenisay inay falkaasi ka dambeysay.
Kooxaha gooni u goosadka ah ee Cameroon ayaa sanadkan sare u qaaday weerarrada ay ka geysanayaan gobolkaasi, oo shacabka ku nool ay dowladda talada haysa ku eedeyaan inay si xun ula dhaqanto.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *