DHAGEYSO Ciidanka AMISOM oo dad shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho.

Banaanbax ballaaran oo ay ka qeyb galayaan boqolaal ka mid ah Shacabka kunool degmada Hilwaa ee gobolka Banaadir ayaa saaka ka dhacay Isgoyska Ex Kontrool Balcad kadib markii halkaasi Ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku dileen.
Rasaas ay fureen ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Hiliwaa ayaa waxaa saaka ku dhinta ilaa sadex qof oo ka mid ah dadka shacabka deegaanka waxaana isku soo baxay boqolaal shacab caraysan oo ka Banaabaxayay dhibaatooyinka ay ku qabaan ciidamada AMISOM.
Ciidanka AMISOM ayaa rasaasta furay kadib markii kolanyo ay la socdeen oo halkaasi marayay qarax Miino lala eegtay.
Bananbaxan ayaa looga soo horjeeddaa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ka dib markii halkaasi Saaka ay ku dileen dad Shacab ah.
Ehelada dadka dhacdadaasi ku dhintay ayaa dowlada ka codsatay in talaabo laga qaado ciidamada AMISOM ee shacabka laayay waxayna sheegeen inay cadaalada Sugayaa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *