DHAGEYSO Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay in laga gudbo siyaasadda kala qeybsanaanta ku saleysan

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Mr. William Ruto ayaa ku guda jiro socdaal uu ku marayo gobolka Nyanza oo tageero siyaasadeed oo xooggan uu ku leeyahay garabka mucaaradka ee Nasa.
Mr. Ruto ayaa shalay tagay maamul goboleedyada kala ah Homa Bay iyo Migori halkaasi oo uu kula hadlay dadweynaha ku nool.
Sido kale waxaa uu carrabka ku dhuftay in socdaalkiisa uu yahay mid ku qotoma fulinta mashariicda horumarineed .
Dowlada ayuu sheegay inay lacag dhan 150 milyan u isticmaali doonto in sara loo qaado tayada qalabka yaala isbitaalka Migori.
William Ruto ayaa dhanka kale hoosta ka xariiqay inuusan jirin ismaamul wadanka ka tirsan oo uunan tagi karin.
Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee gobolkaasi iyo guud ahaan dalka ayuu ugu baaqay inay dowlada kala shaqeyaan wax u qabashada shacabka.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in xiligan aanan la joogin waqtigii siyaasadda sidaasi awgeedna aanan loo baahnayn kala qeybsanaan.
Willaim Ruto ayaa intaasi ku daray inay ka go’antahay inuu si dhow ula shaqeeyo madaxda la soo doortay iyo xita hoggaamiyaha mucaaradka Nasa Raila Odinga oo ay horay u muuqdeen kuwo siyaasad ahaan si weyn isaga soo horjeeda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *