In ka badan 15 qof oo lagu eedeyay xatooyada imtixaanada oo maxkamada la soo taagayo

Waxaa la filaya in maanta maxkamada ay ka soo hormuuqdaan ugu yaraan 15 qof oo golaha imtixaanada qaran ee KNEC uu sheegay in lagu xiray ismaamulka Kisii.
Dadkan ayaa lagu eedeyay inay isku dayeen in ardayda sameynaya imtixaanada qaran ee KCSE-da ay ka caawiyaan dhanka qishka.
Waxay doonayeen inay xarumaha lagu sameynayo imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare la galaan waxyaabo aanan la ogolayn.
Bayaan ka soo baxay KNEC ayaa lagu sheegay in dadka la xiray ay ka mid yihiin maamulayaal iyo macalimiinta loo xilsaaray inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ardayda.
Waxaa bayaankaasi qeyb ka ah inuusan jirin arday arrinkaasi ku lug lahaaday ama ka faaiiday.
Imtixaanada qaran ee KCSE-da ee shalay si rasmi ah uga bilowday guud ahaan dalka ayaa waxaa sannadkan u fariisanaya 664,550 oo arday ah.
Taliyaha booliska ee maamul goboleedka Kisii, Benard Muli, ayaa sheegay in lagu soo oogi doono dacwado dhowr ah oo ay ka mid tahay inay farageliyeen geedisocodka imtixaanada shahaadiga ah.
Sannadkii hore ayay ahayd markii KNEC ay waxba kama jiraan ka soo qaadday natiijadii ay soo hooyeen 1,200 arday ah kadib markii ay soo baxday inay imtixaanada xadeen.
Iyadoo imtixaanada fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ay socdaan maalinkii labaad ayay maanta wasiiradda tacliinta Amina Maxamad tagtay maamul goboleedka Murang’a.
Waalidiinta iyo ardayda ayay mar kale uga digtay inaan la khiyaamin oo aanan laga iibin warqado waxba kama jiraan ah.
Waxay ku nuuxnuuxsatay in ilaa iyo hadda aysan jirin dhacdo la soo tabiyay oo ardayda ay waqti hore heleen imtixaanada.
Amina Maxamad oo xaqiijinaysa tirada eedeysanayaasha ee ilaa iyo hadda la xiray ayaa waxaa hadaladeeda ka mid ahaa

Dhanka kale golaha imtixaanada qaran ee KNEC ayaa tacsi u diray qoysaska laba arday ah oo shalay ku geeriyooday ismaamulada Murang’a iyo Nyamira.
Guddoomiyaha KNEC, Prof. George Magoha ayaa hooyooyinka ugu baaqay inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa gabdhahooda si looga hor tago inay uur qaadaan iyagoo dugsiyada dhiganaya.
Tan iyo xiligii imtixaanada qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da waxaa iyagoo imtixaanada sameynaya umulay ku dhawaad 15 gabdhood.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *